Muqdisho-(Puntland Mirror) Wefdi uu hoggaaminayo Raysulwasaare Ku Xigeenka Dowladda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed oo Soomaaliya ku metelaya dhageysiga dacwada kala dhaxeysa Kenya ayaa maanta oo Isniin ah u safray magaalada Hague ee dalka Netherlands iyadoo ay soo aadantahay dhageysiga maxkamaddu.
Dhageysiga oo dhowr jeer oo hore dib u dhacday ayaa tii ugu dambeysay qorshuhu yahay in la qabto 15-ka bishaan Maarso.