Ciidamada booliiska qeybta gobolka Nugaal oo magaalada Garoowe ku qabtay 12 kartoon oo khamri ah

Khamrada ay ciidamadu soo qabteen waxaa ka muuqa in lagu farsameeyay dalka Itoobiya. [Sawirka: Puntland Mirror]
Khamrada ay ciidamadu soo qabteen waxaa ka muuqa in lagu farsameeyay dalka Itoobiya. [Sawirka: Puntland Mirror]
Garoowe-(Puntland Mirror) Ciidamada booliiska gobolka Nugaal ee Puntland ayaa gacanta ku dhigay kartoomo khamri ah, sida ay sheegeen saaraakiishu.

Ciidamada oo habeenimadii Talaadada ahayd howlgal ka sameeyay caasimada Puntland ee Garoowe ayaa kusoo qabtay 12 kartoon oo khamri ah iyo shan nin oo watay.

Ciidamada ayaa sidoo kale waxay qabteen afar gaari, baastoolad iyo qori AK-47 ah oo ay wateen nimanka khamriga lagu soo qabtay.

Taliyaha booliiska qeybta gobolka Nugaal Cabdirashiid Maxamuud Aw-xuseen oo loo yaqaan (Xinjira-dhuuq) oo saxaafada kula hadlay Garoowe ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay labo jibaareen howlgalada ammaanka lagu sugayo iyo la dagaalanka maandooriyaha.

Xinjira-dhuuq ayaa ammaan u jeediyay ciidamada soo qabtay khamriga iyo nimanka watay.

Dhanka kale, guddoomiyaha gobolka Nugaal Cumar Cabdulaahi Maxamed oo ka hadlay goobta ay ciidamada kusoo bandhigeen kartoomada khamriga ah iyo nimanka watay ayaa sheegay in ay ku daba joogaan shakhsiyaad kale oo ka ganacsada khamriga, Cumar ayaa balanqaaday in sharciga la geyn doono cid walba oo ku lug leh khamrigan.

Maandooriyaha khamriga ayaa sanadadii ugu dambeeyay kusoo badanayay gobolada Puntland, iyadoo laga soo gasho dalka Itoobiya oo lagu sameeyo.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*