Ciidamada Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya oo la sheegay in si weyn loo dhimi doono

Ciidamada Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya oo la sheegay in si weyn loo dhimi doono. [Sawirka]
Washington-(Puntland Mirror) Mareykanka ayaa tixgelinaya hoos u dhimid ku imaanaya ciidamadiisa holwgalada gaarka ah ka wada gudaha Soomaaliya iyo wadamo kale oo Afrika kuyaala, Jariidada New York Times ayaa ku warantay maanta oo Isniin ah.

Kalabar ciidamada argagixisada la dirirka ah ee ku sugan qaarada Afrika ayaa laga yaabaa in laga saaro saddexda sanno ee soo socda, sida lagu sheegay warbixinta New York Times.

Tilaabadan hoos u dhigida ah ayaa saameyn ku yeelan doonta tirada ciidamada Mareykanka ee ku sugan gudaha Soomaaliya kuwaasoo waday dagal ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab muddo 11-sanno ah.

Tiro dhan 6,000 ciidamo Mareykan ah ayaa hadda ku sugan dhowr wadan oo Afrikaan ah, sida laga soo xigtay Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM). Qiyaas ahaan 500 kamid ah ciidamadaas oo ah tababarayaal iyo khuburo saadka qaabilsan ayaa fadhigoodu yahay Soomaaliya, halkaas oo ay ka taageeraan Ciidamada Midowga Afrika AMISOM iyo ciidanka qaranka Soomaaliya la dagaalanka Al-Shabaab.

Howlgalka milatariga Mareykanka ee Soomaaliya kan ugu weyn waa duqeymaha diyaaradaha aan duuliyaha lahayn taasoo dishay tobonaan maleeshiyo oo katirsanaa Al-Shabaab sanadkii lasoo dhaafay kadib markii maamulka Donald Trump uu meelmariyay balaarinta howlgalada milatariga ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*