“Maalintii sideedaad ayaan ku jiraa karantiil dalka Burundi oo aan umid shir maxaa yeelay waxaa igu soo dhacay cudurka COVID-19,” Wasiir Maxamed Cabdirisaaq ayaa sidaas u sheegay warbaahinta dowladda.
Xanuunka ayaa asbuucyadii u dambeeyay ku soo kordhayay gudaha dalka. Shantii maalmood ee u dambeysay, Soomaaliya ayaa diiwaangelisay ku dhawaad 1000 kiis oo cusub oo COVID-19 ah halka 55 qof oo kale ay u geeriyootay fayruska, sida ay sheegayso xogta Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya.