Shir u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladdaha Maamul Goboleedyada oo ka furmi doona Muqdisho

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo. [Xigashada Sawirka: Cali Ducaale/Sawirqaadaha Madaxweynaha]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Shir u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladdaha Maamul Goboleedyada ayaa la filayaa in uu ka furmo gudaha Muqdisho maanta oo Arbaco ah, sida ay sheegeen ilo-wareedyadu.

Hoggaamiyaasha Dowladdaha Maamul Goboleedyada ayaa yimid Muqdisho si ay uga qeybgalaan shirka.

Shirka oo socon doona labo beri, ayaa hoggaamiyaasha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladdaha Maamul Goboleedyada kaga wada-xaajoon doonaan arrimo kala duwan oo ay kamidyihiin ammaanka iyo siyaasadda dalka, sida ay ilo-wareedku ku warameen.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*