Baarlamaanka Puntland oo meelmariyay guddiga doorashooyinka

Xubnaha guddiga oo ku sugan xarunta baarlamaanka, Nov 16, 2019. [Isha Sawirka: Puntland Parliament]
Garoowe-(Puntland Mirror) Baarlamaanka Puntland ayaa mnaata oo Sabti ah meelmariyay guddiga doorashooyinka Puntland.

Dhammaan 50 xildhibaan oo fadhiday kulanka maanta ayaa ogolaaday, sida uu sheegay guddoomiyaha baarlamaanka.

Guddiga oo ka kooban 9 xubnood ayaa bishii Agoosto ee sanadkan waxaa afar kamid ah soo magacaabay golaha baarlamaanka halka shanta kale uu magacaabay madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.

Deni ayaa noqday madaxweynihii ugu horeeyay ee Puntland oo soo dhisa guddiga doorashooyinka isaga oo xafiiska haya wax ka yar sanad.

Puntland oo jirta 21-sanno ayaan weli hirgalin doorasho hal qof iyo hal cod ah. Baarlamaan ay soo dhiseen odayaal dhaqameed ayaa doorta madaxweynaha tan iyo sanadkii 1998.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*