Wasiirkii amniga Jubbaland oo ka baxsaday xabsi kuyaala Muqdisho

Cabdirashiid Janan oo maxkamad ka soo muuqday 2019. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Wasiirkii amniga Jubbaland kaasoo ku jiray xabsi kuyaala Muqdisho bilihii u dambeeyay ayaa baxsaday maanta oo Talaado ah, sida ay sheegtay taliye ku xigeenka ciidanka booliiska Dowladda Federaalka Soomaaliya Sakiya Xuseen.

Haayadaha ammaanka ayaa ku raadjooga in ay gacanta ku soo dhigaan eedaysanaha, Sakiya ayaa intaas ku dartay.

Cabdirashiid Xasan Nuur oo loo yaqaan Janan ayaa xabsi ku jiray tan iyo bishii September 2019, kadib markii laga qabtay garoonka Muqdisho xilli uu safar ku jiray. Waxaana Dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedaysay in uu galay dambiyo culus.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*