Waxa uu noqonayaa xubintii labaad ee katirsan golaha wasiiradda oo u dhintay dhibbaato kaga timid xanuunka COVID-19.
Bishii May 2020, Wasiirkii Deegaanka, Beeraha iyo Isbadalka Cimilada Dowladda Puntland Ismaaciil Diiriye Gamadiid ayaa u geeriyooday xanuunka coronavirus.
War-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada, ayaa madaxweyne ku xigeenka Puntland ahna ku simaha madaxweynaha Axmed Cilmi Cismaan uu uga tacsiyeeyay geerida ku timid Wasiir Dowlaha Madaxtooyada.