Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland oo shaqada ka joojisay duqa degmada Gaalkacyo

Duqa degmada Gaalkacyo Saahid Maxamuud Cali. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaa shaqada ka joojisay duqa degmada Gaalkacyo Saahid Maxamuud Cali, iyadoo sheegtay in go’ankaas la sameeyay kadib markii la tixgeliyay cabashooyin ka yimid dadka deegaanka, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay wasaaradda oo lagu daabacay boggeeda Facebook.

“Kadib markii ay soo baxeen tuhumo la xiriira in maamulka degmadu ay hareer mareen habraacyada maamulka dhaqaalaha degmada iyo fulinta waajibaadyada dastuuriga ah ee degmada, waxaa laga bilaabo maanta si kumeelgaar ah shaqada looga joojiyay duqa degmada Gaalkacyo.” sidaa ayaa lagu yiri bayaanka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*