Warshada ugu weyn Soomaaliya ee soo-saarta biyaha la cabo ee caagadaha oo laga furay Gaalkacyo

Dhammaan shaqada biyo sifeynta warshada waxaa qabanaya qalab casri ah oo loogu talogalay. [Xuquuqda Sawirka: Horseed Media]
Dhammaan shaqada biyo sifeynta warshada waxaa qabanaya qalab casri ah oo loogu talogalay. [Xuquuqda Sawirka: Horseed Media]
Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Warshada ugu weyn ee soo-saarta biyaha la cabo ee caagadaha ayaa laga furay magaalada Gaalkacyo shalay oo Axad ahayd.

Saleebaan Cabdi Cali oo kamid ah ganacsatada reer Puntland ee shirkada oo magaceeda la dhaho Furaat maalgelisay ayaa sheegay in warshadu ay tahay mida ugu weyn ee sifaysa caagadaha biyaha la cabo.

“Waa warshada maanta ugu weyn Soomaaliya oo biyaha soo-saarta markii la fiiriyo awoodeeda warshadaan maalintii waxay soo-saari kartaa afar kun (4000) oo kartoon, warshad kale oo Soomaaliya ku taal oo maalintii 4000 oo kartoon soo-saari kartaa majidho.” Ayuu yiri saleebaan.

Ganacsade Saleebaan ayaa intaas ku daray in qalabka ay isticmaalayaan uu yahay mid lamid noocyada laga isticmaalo warshadaha caalamka, isagoo xusay in dhammaan shaqada biyo sifeynta warshada ay qabanayaan qalab casri ah oo loogu talogalay.

Warshadaha sifeeya caagadaha biyaha la cabo ayaa waayadii dambe kusoo badanayay gobolada Puntland.

Sodon boqolkiiba dadka Soomaaliyeed (30%) ayaa awood u leh in ay cabaan biyo nadiif ah, sida ay warbixin ku sheegtay barnaamijka horumarinta Qaramada Midoobay (UNDP).

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*