Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo bandhigtay naqshada lacagta cusub ee la sameyn doono

Wasiirka Maaliyada Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo soo bandhigaya sida ay noqon doonto lacagta cusub. [Sawirka]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan soo bandhigtay naqshada lacagta cusub ee la sameyn doono.

Wasiirka Maaliyada Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo shir saxaafadeed ku qabtay Sabtidii Muqdisho ayaa soo badhigay tusaale kamid ah qaabka ay noqon doonto lacagta cusub oo ka kooban 5,000 (shan boqol oo Shillin) iyo 1,000 (kun Shillin).

Lacagta cusub ayaa bedeli doonta mida duugta ah taasoo la isticmaalayay 20-sanno ee u dambeysay.

Wasiirka Maaliyada ma uusan qeexin wakhtiga dhabta ah ee la daabacayo lacagta cusub.

About Abdi Omar Bile 748 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*