Axmed Kismaayo wuxuu shaqadiisa warbaahineed ka bilaabay warbaahinta dowladda Radio Muqdisho sanadkii 1980.
Sanadkii 1999, waxa uu ku biiray laanta Af-Soomaaliga ee BBC isaga oo gobolada Puntland uga warami jiray.
Sanadkii 2013, waxa uu noqday agaasimaha taleefishinka dowladda Puntland.
Sanadkii 2016, waxaa loo doortay guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Puntland, balse dhowr bilood kadib ayuu iska casilay arrimo u gaar ah dartood.
Waxa uu qoray dhowr buug oo ay kamidyihiin Hoygii Samata-baxa iyo Layliga Suxufiga.
Puntland Mirror waxaa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan qoyskii iyo asxaabtii Axmed Kismaayo.