Wariyaha Al Jazeera Xamsa Maxamed oo lagu xiray Muqdisho

Puntland Mirror
1 Min Read

hamza-mohamed
Wariyaha Al Jazeera Xamsa Maxamed. [Sawirka: snapshot]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Ciidamada amaanka dowlada Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaco ah ku xiray magaalada Muqdisho wariyaha Al Jazeera Xamse Maxamed iyo saaxiibadiis oo ay kamidyihiin sawir-qaade, martigeliye iyo darawal.

Kooxda ayaa la xiray iyaga oo kasoo noqday magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe kuna sii jeeday caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, sida ay ilo-wareedyada sheegeen.

Ma jirto jawaab katimid ciidamada amaanka Soomaaliya oo ku saabsan xiritaanka wariyaha Al Jazeera iyo saaxiibadiis.

Asbuucii hore, ciidamada amaanka Soomaaliya ayaa Muqdisho ku xiray wargeyska Xog-ogaal iyo tifaftirihiisii, laakiin dib ayaa laga sii daayay xukun la’aan.

Soomaaliya ayaa lagu tixgeliyaa meelaha ugu khatarta badan ee wariyeyaasha.

Share This Article
Follow:
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.
Leave a Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *