Xoghayihii hore ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo xafiiska ku wareejiyay xoghayaha cusub

Yaxye oo dukumentiyada ku wareejinaya Cabdullaahi maanta oo Sabti ah gudaha Muqdisho. [Xigashada Sawirka: Mustaqbal Radio]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Xoghayihii hore ee joogtada ahaa ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya Yaxye Cali Ibraahim ayaa xafiiska ku wareejiyay xoghayaha cusub Cabdullaahi Maxamed Xasan.

Yaxye ayaa dukumentiyada xafiiska ku wareejiyay ninka badali doona ee Cabdullaahi maanta oo Sabti ah gudaha Muqdisho.

Asbuucii lasoo dhaafay, Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa xilka ka qaaday Yaxye, isaga oo ku eedeeyay maamul xumo, cadaalad daro iyo wada shaqayn la’aan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*