Haayada SSF oo gawaarida maxaabiista la saaro ugu deeqday degmooyin kuyaala Puntland

Baabuur
Gawaarida maxaabiista qaada oo haayada SSF ugu deeqday afar degmo oo Puntland kuyaala. Sawirka: xafiiska warbaahinta madaxtooyada.

Garoowe-(Puntland Mirror) Haayada SSF ayaa afar gaari oo nooca booliiska  ku qaadaan maxaabiista ku wareejisay dowlada Puntland.

Munaasabad lagu qabtay xarunta madaxtooyada maanta oo Sabti ah ayaa Madaxweyne ku xigeenka dowlada Puntland ka guddoomay gawaarida masuuliyiinta haayada SSF.

Afarta gaari  oo ay maalgelisay haayada SSF ayaa waxaa loogu deeqay afar degmo oo kuyaala Puntland, kuwaasoo kala ah, Dan-gorayo, Xarfo, Godob-jiiraan iyo Isku-shuban.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Cumar Camay ayaa uga mahadceshay haayada SSF gawaarida ay dowlada guddoonsiisay, Camay ayaa sheegay in gaadiidkan uu qayb weyn ka qaadan doono dadaalka ay dowladu ugu jirto sidii loo xaqiijin lahaa amaanka guud ee magaalooyinka Puntland.

Haayada SSF oo taageero ka helaysa deeq-bixiyeyaal badan oo caalami ah ayaa deegaanada Puntland waxay ka fuliyeen mashaariic waa-weyn oo ay kamidyihiin layrarka cadceeda ku shaqeeya oo ay ka hirgaliyeen magaalooyinka waa-weyn ee Puntland.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*