Sida ay kasoo xigatay wakaalada wararka Anadolu, Cabdiraxmaan Axmed, oo ah sargaal katirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in dagaalku uu bilaabmay kadib markii dagaalyahano katirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ciidan oo kuyaala gudaha magaalada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.
“Maleeshiyaad Al-Shabaab ah ayaa weeraray saldhig ciidan oo kuyaala Afgooye. Saddex askarta kamid ah ayaa ku dhimatay labo kalena waa ay ku dhaawacmeen. Waxaanu dilnay labo maleeshiyo Al-Shabaab ah in ka badan 10 kalena waa ay dhaawacmeen. Ciidamadayada ayaa hadda gacanta ku haya magaalada oo dhan.” Ayuu Cabdiraxmaan u sheegay Anadolu.
Afgooye waa magaalo beereed istiraatiiji ah oo qiyaastii 30 km dhanka koonfur-galbeed kaga beegan caasimada Muqdisho.
Dabayaaqadii bishii December ee sanadkii lasoo dhaafay 2016-ka, ku dhawaad saddex askari oo katirsanaa haayada nabadsugida Soomaaliya ee NISA iyo afar dagaalyahan oo Al-Shabaab ahaa ayaa ku dhimatay weerar kan lamid ah oo ka dhacay magaalada Afgooye.
Al-Shabaab ayaa dibada looga saaray intooda badan magaalooyinka kuyaala koonfurta Soomaaliya, balse maleeshiyadu wali waxay qaadaysaa weeraro ku dhufoo ka dhaqaaq ah oo lid ku ah ciidamada dowladda Soomaaliya iyo xoogaga AMISOM.
Xigasho: Puntland Mirror + wakaalada wararka Anadolu.