Ugu yaraan labo qof oo rayid ah ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen madaafiicdaas lala eegtay deegaanada u dhow xarunta madaxtooyada.
Tani ayaa imaanaysa saacado yar kadib markii madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud uu xarunta madaxtooyada si rasmi ah ugu wareejiyay madaxweynaha cusub Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.