Ugu yaraan saddex qof oo ku dhaawacmay kadib markii dablay ay bumbo gacmeed ku tuureen maxkamada degmada Boosaaso

Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland. [Xigashada Sawirka: Maxamed Daahir Caynsane/sawir-qaade madax-banaan]
Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland. [Xigashada Sawirka: Maxamed Daahir Caynsane/sawir-qaade madax-banaan]
Boosaaso-(Puntland Mirror) Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhaawacmay kadib markii kooxo hubaysan ay  bumbo gacmeed ku tuureen maxkamada degmada ee magaalada Boosaaso maanta oo Sabti ah,sida ay goobjoogayaashu u sheegeen warsidaha Puntland Mirror.

Dadka dhaawacmay ayaa loola cararay isbitaalada kuyaala gudaha magaalada.

Dhammaan dadka dhaawacmay ayaa u badan dad rayid ah, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyada weerarkaas dhacay maanta oo Sabti ah. 

Intii lagu guda jiray bilihii dhawaa ee lasoo dhaafay, magaalada Boosaaso ayaa goobjoog u noqotay mowjado weeraro ah oo lagu bartilmaameedsaday saraakiisha dowladda, waxaana masuuliyadooda sheegtay ururada xagjiriinta ah sida Al-Shabaab iyo ISIS.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*