Shilka gaari ayaa waxa uu ku dhacay Agaasimihii Haayada Maamul Wanaagaga iyo La Dagaalanka Musuqmaasuqa Puntland Cabdiraxmaan Cali Guureeye, balse agaasimaha ayaa ka badbaaday shilkaas.
Hal haween ah iyo mid kamid ah ilaaladiisa ayaa ku geeriyooday shilka, sida ay ilo-wareedyo u sheegeen warsidaha Puntland Mirror.
Sida ay ilo-wareedku sheegeen, shilka ayaa yimid kadib markii mid kamid ah taayirada gaariga uu furtay kahor inta uusan gaariga is rogin dhowr jeer.