Ugu yaraan 9 qof oo ku dhimatay weerarka huteel Pearl Beach ee Muqdisho

Ciidanka amniga oo gudaha huteelka kula dagaalamaya Al-Shabaab [Isha Sawirka: Facebook]

Muqdisho-(Puntland Mirror) Ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo afjaray weerarkii ay Al-Shabaab ku qaaday huteelka Pearl Beach ee Muqdisho xalay oo Jimce ahayd fiidkii.

Ugu yaraan sagaal qof ayaa ku geeriyootay in ka badan 15 qof oo kalena waa ay ku dhaawacmeen weerarka, sida ilo-wareedyo caafimaadka katirsan ay u sheegeen bog wareedka Puntland Mirror.

Ciidamada ammaanka oo isla markiiba gaaray goobta ayaa dad badan oo shacab ah soo badbaadiyay, sida ay ku warantay warbaahinta dowladda oo soo xiganaysa masuuliyiin katirsan haayadaha ammaanka.

Kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab, taasoo ku dhawaad 15 sanno dagaal ku jirtay, ayaa sheegatay masuuliyada weerarka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*