Ugu yaraan 60 qof oo ku dhimatay duqayn loo adeegsaday kiimiko oo ka dhacday waqooyiga-bari ee dalka Suuriya

Ugu yaraan 60 qof oo ku dhimatay duqayn loo adeegsaday kiimiko oo ka dhacday waqooyiga-bari ee dalka Suuriya. [Xigashada Sawirka: Anadolu]
Ugu yaraan 60 qof oo ku dhimatay duqayn loo adeegsaday kiimiko oo ka dhacday waqooyiga-bari ee dalka Suuriya. [Xigashada Sawirka: Anadolu]
Dimishiq-(Puntland Mirro) Ugu yaraan 60 qof ayaa lagu dilay tobonaan kalena waa ay ku dhaawacmeen weerar looga shaki qabo duqayn kiimiko oo ka dhacday gudaha waqooyiga-bari ee dalka Suuriya, sida ay sheegeen kooxda dabagalka Suuriya.

Kooxda dabagalka Xuquuqul Insaanka ee Suuriya ayaa ku warantay in duqaynta lala eegtay magaalada Khan Sheikhoun ayna qaadeen diyaaradaha dowladda Suuriya ama kuwa Ruushka.

Ilo-wareedyo milatariga Suuriya katirsan ayaa qaadacay in dowladdu ay adeegsatay wax hub kiimiko ah sida kan oo kale.

Dhanka kale, Wasaaradda Difaaca Ruushka ayaa ku adkaysatay in wax duqayn ah ay ka geysteen deegaankaas.

Ilo-wareedyo madax-banaan ayaa sheegay in diyaaradaha duqaynta geystay ay tureen madaafiic laga sameeyay maadada Kaloorokuwiinta.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*