Qaraxyada oo loo malaynayo in ay ahaayeen qarax gaari iyo isbiimayn ayaa lala beegsaday ciidamo booliis ah oo ku sugnaa meel u dhow garoon kubada cagta ah.
Dadka goobjoogayaasha ah ayaa maqlay rasaasta qoryaha kadib qaraxa, kaasoo dhacay labo saacadood kadib markii taageerayaasha ciyaarta daawaneysay ay ka tageen garoonka kubada cagta ee Besiktas.
Ma jirto koox sheegatay masuuliyada weerarkaas, laakiin hirar qaraxyo ah ayaa ka dhacay dalka Turkiga sanadkan kaasoo ay geysteen maleeshiyada Kurdiyiinta iyo kooxda Dowladda Islaamiga ah ee (ISIS).