Qaahiro-(Puntland Mirror) Ugu yaraan 21 qof ayaa lagu dilay qarax ka dhacay gudaha kaniisad kutaala magaalada Tanta ee gobolka Nile Delta, sida ay ku warameen warbaahinta maxaliga ah ee Masar.
Kaniisada qaraxa lala beegsaday ayaa la dhahaa Mar Girgis sidoo kale loo yaqaan St George, iyadoo hadalkaas ay ku sugnaayeen dad xusitaan ku jiray.
Ugu yaraan 50 qof oo kale ayaa ku dhaawacmay qaraxa oo dhacay maanta oo Axad ah.
Ma jirto cid si dhaqso ah u sheegatay masuuliyada qaraxa lamana oga nooca uu ahaa qaraxu.
Qaraxa ayaa ah kii ugu dambeeyay oo weeraro taxane ah oo ka dhan ah masiixiyiinta tirada yar ee kunool dalka Masar, kuwaasoo 10 boqolkiiba dhan bulshada.
Be the first to comment