
Abuja-(Puntand Mirror) Saddex qof oo isa soo miidaamiyay ayaa isku qarxiyay suuq kalluun oo kuyaala magaalada Konduga ee waqooyiga-bari ee dalka Nayjeeriya maanta oo Sabti ah, waxaana ku dhintay ugu yaraan 19 qof, sida ay sheegeen ilo-wareedyo haayadaha ammaanka katirsan.
Intooda badan dadka ku dhintay qaraxa ayaa ahaa shacab. Ugu yaraan 50 qof oo kale ayaa ku dhaawacmay.
Ururka Booko Xaaraam ayaa lagu eedeeyay qaraxaas, inkastoo aysan weli sheegin in ay iyagu ka dambeeyaan.
Booko Xaaraam ayaa dishay dad gaaraya 20,000 waxayna barakicisay in ka badan labo milyan tan iyo markii ay sanadkii 2009 bilaabeen ololahooda ay ku rabaan in maamul Islaamiya ay ka dhisaan waqooyiga dalka.
Booko Xaaraam weli waxay wadaa weerarada dhimashada leh iyada oo dowladda Nayjeeriya ku andacoonayso in ay ka adkaadeen maleeshiyada Booko Xaaraam.
Related Posts
November 11, 2019 Somalia Cabinet Approves 18% Rise in 2020 Budget to $460 Million
July 8, 2019 Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan oo safarkiisii ugu horeeyay ku yimid Puntland
January 18, 2021 Milatariga Mareykanka oo sheegay in ay dhammeystireen kala bixista ciidankooda Soomaaliya
June 5, 2016 Beesha caalamka oo soo dhoweysay go’aanka Madasha Hogaanka Qaran ee ku saabsan geedi-socodka doorasho ee 2016