![Ugu yaraan 11 qof oo lagu dilay weerar isbiimayn ah oo lala eegtay dad banaanbax sameynayay gudaha magaalada Lahore ee Pakistan. [Sawirka: Twitter]](https://puntlandmirror.net/wp-content/uploads/2017/02/Qarax-Lahore.jpg)
Qaraxa ayaa dhacay maanta oo Isniin ah markii mulkiilayaasha meheradaha daawada ay ka mudaharaadayeen isbadalo lagu sameeyay sharciga iibka daawooyinka ee gobolka Punjab.
Kuwa dhintay ayaa waxaa ku jira saraakiil sare oo booliis ah. Tobonaan qof oo kale ayaa ku dhaawacmay qaraxa.
Garabka Taalibaan ee gudaha dalka Pakistan ee la dhaho Jamaat-ul-Ahrar ayaa sheegtay in ay iyagu qaadeen weerarkaas.