Mid kamid awaamiirtaas ayaa xadidaya socdaalka iyo imaanshaha Mareykanka muhaajiriinta haysta dal ku galka Ciraaq, Libya, Soomaaliya, Suuriya iyo Yeman, sida uu sheegay wargeyska Washington Post.
Trump ayaa xilligii uu ku jiray ololihiisa waxa uu balanqaaday in uu dalka Mareykanka ka joojin doono dhammaan dadka Muhaajiriinta ah, isaga oo farta ku fiiqay Muslimiinta.