Qaraxa ayaa dhacay markii gaari weyn oo laga soo buuxshay walxaha qarxa lagu qarxiyay waddo mashquul badan oo kutaala Muqdisho.
In ka badan 150 qof ayaa sidoo kale ku dhaawacmay weerarka, intooda badan dadka dhibaatadu soo gaartay ayaa ah rayid oo ay ku jiraan haween iyo caruur.
Waxa uu ahaa qaraxii ugu cuslaa oo Muqdisho ka dhaca tan iyo bilihii dhawaa ee lasoo dhaafay.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku tilmaamay weerarka musiibo qaran waxaana uu ku dhawaaqay saddex beri oo baroor diiq ah.
Maleeshiyada Al-Shabaab, kuwaasoo sheegta masuuliyada qaraxyada Muqdisho, ayaan weli ka hadlin.