Labaatan qof oo kale, oo ay kamidyihiin askar iyo dad shacab ah ayaa ku dhaawacmay weerarkii shalay, sida saraakiil caafimaad oo joogta Muqdisho ay khadka taleefoonka ugu sheegeen warsidaha Puntland Mirror.
Intooda badan dadka ku geeriyooday weerarka ayaa la sheegay in ay ahaayeen dad shacab ah. Ugu yaraan shan katirsan ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale lagu dilay weerarkii dhacay shalay oo Talaado ahayd, sida ilio-wareedyadu sheegeen.
Ururka hubaysan ee Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyada weerarkaas dhacay shalay, sida ay ku sheegeen bayaan ay ka sii daayeen idaacadooda Radio Andalus.