Tirada dadka laga helay coronavirus gudaha Soomaaliya oo gaartay 28 qof

Coronavirus.

Garoowe-(Puntland Mirror) Maamulka waqooyiga Soomaaliya ee Somaliland ayaa maanta oo Isniin ah sheegay in saddex qof oo cusub laga helay xanuunka coronavirus.

Tan ayaa ka dhigaysa in tirada guud ee cudurka COVID-19 laga helay gudaha Soomaaliya ay tahay 28 qof, sida ku cad xogta Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya iyo haayada WHO.

Labo qof ayaa u dhimatay xanuunka, halka labo kalena ay ka bogsadeen, Wasaaradda Caafimaadka sida ay sheegtay.

Dhanka kale, Puntland ayaa shaacisay in qof looga shakisanaa coronavirus oo lagu karantiilay degmada Buurtinle laga waayay kadib markii ay soo baxday natiijada baaristiisu.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*