Qoraal uu boggiisa rasmiga ah ee Facebook-ka soo dhigay ayuu ku yiri: “ugu danbeyn waxaan ku guuleysanay in taliyihii ciidamada Somaliland ee aaga Badhan Gurey Cismaan Saalax iyo dhammaan ciidankiisii ay kusoo wareegaan dowladda Puntland.”
“Waxaan u mahadcelinaya Madaxweyne Deni dadaalkii uu ku bixiyey arrintan, sidoo kale dhammaaan masuuliyiintii dowladda ee ka qeyb qaadatay arrintan sida guddoomiyaha gobolka Cali Xuseen, xildhibaanada baarlamaanka iyo guurti Cali Cabdullaahi Cabdi Ibraahim.” Ayuu ku sii daray.
Boqolaal qof oo shacab ah ayaa isugu soo baxay gudaha magaalada Badhan ee gobolka Sanaag si ay u soo dhaweeyaan ciidamada.