Taliyaha cusub ayaa shaqadiisu noqon doontaa ka hortaga weerarada argagixisada iyo howlaha xagjireynta ah, sida ay sheegayaan ilo-wareedyada.
Janaraal Muxiyadiin ayaa ah nin ciidan ah oo adag, bartamihii bishii Maarso, waxa uu hoggaaminayay dagaalkii deegaanada Suuj iyo Garmaal ee gobolka Nugaal ku dhexmaray ciidamada Puntland iyo maleeshiyada Al-Shabaab.
Booskan taliyaha la dagaalanka argagixisada ayaa ah mid uu hadda sameeyay madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali, sida uu ogaaday warsidaha Puntland Mirror.