Taliyaha cusub ee la dagaalanka argagixisada, Janaraal Muxiyadiin Axmed Muuse. [Sawirka: Puntland Mirror]Garoowe-(Puntland Mirror) Taliye ku xigeenkii hore ee ciidamada booliiska Puntland Janaraal Muxiyadiin Axmed Muuse ayaa loo doortay taliyaha la dagaalanka argagixisada, sida lagu sheegay digreeto uu arkay warsidaha Puntland Mirror oo kasoo baxday madaxtooyada Puntland 6-dii bishaan November.
Taliyaha cusub ayaa shaqadiisu noqon doontaa ka hortaga weerarada argagixisada iyo howlaha xagjireynta ah, sida ay sheegayaan ilo-wareedyada.
Janaraal Muxiyadiin ayaa ah nin ciidan ah oo adag, bartamihii bishii Maarso, waxa uu hoggaaminayay dagaalkii deegaanada Suuj iyo Garmaal ee gobolka Nugaal ku dhexmaray ciidamada Puntland iyo maleeshiyada Al-Shabaab.
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.
Be the first to comment