SSC-Khaatumo oo doortay hoggaan cusub

Cabdulqaadir Axmed Axmed Cali, hoggaamiyaha cusub ee SSC-Khaatumo. [Isha Sawirka: Halbeeg]

Garoowe-(Puntland Mirror) Golaha dhexe ee SSC-Khaatumo ayaa maanta oo Sabto ah hoggaamiye cusub u doortay Cabdulqaadir Axmed Axmed Cali oo loo yaqaan Firdhiye codeyn ka dhacday magaalada Laascaanood.

Golaha ayaa sidoo kale Maxamed Shiine u doortay hoggaamiye ku xigeen, sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha golaha dhexe ee SSC-Khaatumo Jaamac Yaasiin Warsame.

Doorashada hoggaanka cusub ayaa imanaysa iyadoo SSC-Khaatumo ciidankeedu ay todobadii bilood ee u dambeeyay dagaal dad badan ku dhinteen kula jireen ciidanka Somaliland, oo magaalada Laascaanood laga saaray dabayaaqadii bishii Febaraayo kadib 16 sanno oo ay xukumayeen.

Howlaha ugu horeeyay ee horyaala hoggaanka cusub ayaa waxaa kamid ah ka xoreynta maamulka Somaliland ee deegaanada SSC-Khaatumo, oo ay hadda kaga suganyihiin deegaanka Goojacade oo kuyaala duleedka Laascaanood.

Labada dhinac ayaa bishii Febaraayo dagaal ka dhex qarxay kadib go’aan ay soo saareen isimada SSC oo ugu baaqeen Somaliland in ay ciidankeeda kala baxdo goboladooda.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Karaash oo ka soo jeeda gobolka Sool ayaa u hambalyeeyay hoggaanka cusub ee SSC-Khaatumo, sida uu ku sheegay qoraal uu soo dhiggay boggiisa Facebook-ka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*