Dalka kuyaala Geeska Afrika ayaa balaariyay adeegyada dekadihiisa dhoofinta xoolaha nool, sida geela, lo’ada iyo ariga, iyadoo loo dhoofiyay dalka Masar dhawaana ay bilaabmi doonto in loo dhoofiyo dalka Malaysia, sida uu sheegay agaasimaha wasaaradda xanaanada xoolaha ee dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamed Cumar.
“Rajadu waa mid saraysa, waxaa jira dalabyo ka imaanaya wadamo cusub iyo kuwii hore ee xoolaha loo dhoofin jiray,” ayuu yiri agaasimuhu oo wareysi siiyay warbaahinta Bloomberg News.
Soomaaliya oo muddo ka badan labaatan sanno ku jirtay dagaal sokeeye ayaa isku dayaysa in ay hagaajiso ammaanka si ay u soo jiidato maalgeliyeyaasha si dib loogu dhiso dhaqaalaha dalka.
Xoolaha ugu badan
Geela Soomaaliya ayaa lagu qiyaasaa 7.2 milyan, ku dhawaad 50 boqolkiiba in ka badan dalka labaad ee ugu badan geela caalamka ee Suudaan, marka loo fiiriyo haayada cunada iyo beeraha ee FAO, Soomaaliya ayaa sidoo kale ah dalka ugu weyn aduunka ee soo saara caanaha geela, sida ay website-keeda ku sheegtay FAO.
Lacagta kasoo xaroota xoolaha la dhoofsho ayaa ah tan labaad ee ugu badan oo dalka dibadiisa ka timaata marka laga reebo lacagta ka timaata jaaliyada Soomaalida ee ay xawaaladaha kusoo diraan, sida uu Bloomberg News u sheegay Axmed Nuur Xasan oo ah la taliye katirsan bangiga dhexe ee Soomaaliya.
Haayada FAO oo taageero dhaqaale ka heshay Midowga Yurub iyo Boqortooyada Ingiriiska ayaa kala shaqaysay dowladda Soomaaliya shanti sanno ee la soo dhaafay in si xoog leh loo maalgeliyo kaabaha xoolaha nool, barnaamijyada talaalka xoolaha iyo soo-saarida cunada laga helo xoolaha.
“Waxaanu agaasinay dhaqaatiirta xoolaha ee xirfadlayaasha ah si ay u talaalaan xoolaha taasoo ilaalinaysa caafimaadka xoolaha nool,” ayuu yiri Agaasimaha wasaaradda xanaanada xoolaha ee dowladda federaalka Soomaaliya.
Soomaaliya ayaa ka heshay dhoofinta xoolaha nool dakhli dhan $384 milyan sanadkii 2015-ka, sida ay sheegtay wasaaradda xanaanada xoolaha ee dowladda federaalka Soomaaliya.