Koox hubaysan oo Al-Shabaab ah oo Muqdisho ku dishay sarkaal sare oo katirsanaa ciidamada sirdoonka dowlada federaalka Soomaaliya

Nin hubaysan oo katirsan Al-Shabaab. [Sawirka: Archive]

Muqdisho-(Puntland Mirror) Koox hubaysnaa oo katirsan maleeshiyada Al-Shabaab ayaa toogasho ku dishay sarkaal sare oo katirsanaa ciidamada sirdoonka dowlada federaalka Soomaaliya, sida ay sheegeen booliiska.

Kornayl Cabdicasiis Caraye ayaa kooxda hubaysan dishay isaga oo u socday masaajid kuyaala degmada Waaberi shalay oo Isniin ahayd, sida ay sheegeen ciidamada booliiska ee dowlada federaalka Soomaaliya.

Ciidamada booliiska ayaa sheegay in ay goobta gaareen balse kooxdii dilka geysatay ay baxsadeen mar hore.

Afhayeenka howlgalada milatariga ee Al-Shabaab, Cabdicasiis Abu Muscab ayaa sheegay in ay iyagu dileen Kornayl Caraye.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*