Garoowe-(Puntland Mirror) Siyaasi Dr. Guuleed Saalax Bare ayaa maanta oo Sabti ah Garoowe yimid kadib sanad iyo bar oo uu ka maqnaa.
Siyaasiga ayaa si ballaaran loogu soo dhaweeyay magaalada, isaga oo warbaahinta kula hadlay gurigisaa uu kaga hadlay xaalada Puntland.
Waxa uu tilmaamay in Puntland ay ka jiraan duruufo dhaqaale xumo, taasoo keentay in boqolaal dhallinyaro ah ay isaga tahriibaan kadib markii xukuumada ay ku fashilmatay in ay u samayso fursado sahqo.
Guleed ayaa sidoo kale tilmaamay in miisaankii siyaasadeed ee Puntland ay ku lahayd Soomaaliya ay hoos u dhacday, isagoo ku eedeeyay madaxweynaha xukunka jooga Siciid Cabdullahi Deni in uu danihiisa gaarka ah awgeed uu Puntland ka dhigay mid go’doon ah oo faqriga iyo dhaqaale xumada ay siyaaday.
Waxa uu sheegay in mashaariic badan oo horumarineed oo Puntland ay xaq u lahayd uu madaxweynuhu uu hor istaagay.
Sidoo kale waxa uu sheegay in ay jirto in Puntland ay u afduubantahay qoyska Deni kuwaasoo keensaday calooshood u shaqaystayaal ajnabi ah oo ay rabaan in ay ku gurtaan macdan.
Guuleed Saalax oo ah siyaasi xilal kala kala duwan ka soo qabtay ayaa kamid ah musharixiintii 2024-ka u tartamay madaxweynaha Puntland.