Duqa kumeelgaarka ah ee magaalada Garoowe oo aan u tartameyn doorashada soo socota ee dowladda hoose

Duqa kumeelgaarka ah ee magaalada Garoowe Axmed Maxamed Ducaale oo hadal ka jeedinaya kalfadhiga 41-aad ee baarlamaanka Puntland gudaha Garoowe. June 23, 2018.

Garoowe-(Puntland Mirror) Duqa kumeelgaarka ah ee magaalada Garoowe Axmed Maxamed Ducaale ayaan u tartameyn doorashada soo socota ee dowladda hoose, sida warsidaha Puntland Mirror ay u xaqiijiyeen ilo-wareedyo isaga ka ag dhow. Duqa ku meelgaarka ah waxaa fikirka inuu u tartamo jagadan ay ku jirtey bilihii la soo dhaafay.

Ilo-wareedka ayaa sheegay in Axmed uu si rasmi ah u xaqiijiyay in qorshaha aysan ugu jirin in uu u tartamo Duqa Garoowe. Booska Duqa ayaa banaanaaday ka dib markii uu Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali uu kala diray golihii deegaanka ee degmadda Garoowe, uuna u magaacabay Axmed inuu noqdo Duqa ku meelgaarka ah ee xilliga kala guurka bishii April 2018.

Sida ay ilo-wareedku sheegeen, dhowr sababood ayaa keenay in uu go’aansado in uu ka haro tartanka, waxaana kamid ah xiriirka ka dhaxeeya isaga iyo madaxweynaha oo aan fiicneyn iyo dhaqaale xumo ka jirta dowladda Hoose oo ka hor istaageysa inuu fuliyo qorshayaasha iyo balanqaandayadda horumarinta, dib u kobcinta iyo hagaajinta adeegyadda bulshada.

Bishii May 2018 Axmed ayaa beeshiisu siisay xubinta golaha deegaanka si uu ugu tartamo Duqa magaalada. Xubnaha golaha deegaanka oo xulistoodu ay ku saleysantahay qaab qabiil ayaa weli socota.

Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland bishii July ayaa lagu soo jeediyay in soo xulista golaha deegaanka Garoowe lagu soo gabagabeeyo inta lagu guda jiro bisha Agoosto. Haddii bishaan gudaheeda lagu soo dhammeeyo soo xulista golaha deegaanka doorashada ayaa la filayaa in ay dhacdo horaanta September.

Shaqaale gargaar ilaa duq degmo

Ka hor intaan loo magacaabin duqa kumeelgaarka ah ee magaalada Garoowe Axmed waxa uu ahaa shaqaale gargaar oo ka tirsan hay’ad fadhigeedu yahay Faransiiska ee la magacaabo Action Against Hunger (AAH), isaga oo madax ka ahaa xafiiskeeda Puntland.

Dad badan ayaa Axmed u arkayey inuu ahaa qof ku cusub siyaasada iyo shaqada dowladda maadaama magacaabistani ay ahayd markii ugu horeysey oo uu xafiis dowladeed mas’uul ka noqdo.

Mas’uuliyada Duqa magaalada ayaa u baahan xirfad sare ee dhinaca xalinta dhibaatooyinka iyo hadal u jeedinta bulshada (public speaking), la shaqaynta hogaamiyayaasha dhaqanka iyo bulshada qaybaheeda kale iyo weliba waayo aragnimo shaqada dowladda; waa tayooyinka dadka qaar u arkayeen inuusan Axmed lahayn.

Ku dhawaad muddo saddex bilood oo uu xafiiska joogay ma uusan qaban wax muhiim ah oo aan ka aheyn dhismaha dhowr waddo oo jay la saaray oo dhaqaalaha ku baxay ay iska uruursheen dad weynaha magaalada.

Sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo sheegeen soo magacaabistiisa ayaa waxaa ka dambeeyay xubno ka tirsan madaxtoyada oo isaga saaxiib la ah kuwaasoo ujeedkooda dhabta ah ahaa sidii ay uga fushan lahaayeen danahooda gaarka ah ee ku xiran dowladda hoose Garoowe, sida qaadashada qandaraasyada, oo kan ugu weyn oo la sugayo uu kamidyahay mashruuca horumarinta caasimadaha Soomaaliya ee Bangiga Adduunka maalgelinayo.

Bilihii u dambeeyay, Axmed waxaa soo wajahay caqabo badan oo ay ka midyihiin muranka dhulka, amni xumo ay keeneen tuugada moobilada, iyo duruufo horey degmada u heystay oo ay ku jiraan liidashada adeega bulshada iyo musuqmaasuqa lagu sameeyo canshuurta degmadu ay ka hesho bulshada.

Puntland Mirror ayaa ogaaday in Axmed uu weli la shaqeynayay haayada AAH, dhawaana loo dalacsiiyay madaxa haayada ee Puntland iyo koonfurta Soomaaliya, taasoo qeyb weyn ka ah in uu ka haro doorashada dowladda hoose uuna ka doorto shaqadiisii hore ee ahayd “gargaarka”. Bishii July waxaa jirey warar la isla dhexmarayey oo sheegaya in Duqa kumeelgaarka ahi xafiiska ka maqan yahay, isaga oo shaqo u gaar ah u joogay magaalada Nairobi, waxaana shaqadiisii la wareegay xoghayaha dowladda hoose.

Shacabka Garoowe ayaa dareen ka qaba tirada shakhsiyaadka aan aqoonta iyo waayo-aragnimada u lahayn shaqada dowladda hoose ee laga yaabo inay qorsheynayaan inay u tartamaan Duqa magaalada.  Warsidaha Puntland Mirror wuxuu idin la wadaagi doonaa taariikh nololeedka iyo lafagurid ku saabsan shakhsiyaadka ku haboon inay qabtaan mas’uuliyadan muhiimka ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*