Ciidamada dowladda Soomaaliya oo Muqdisho ku xiray Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur

Intii uu socday howlgalka ka dhanka ah guriga Cabdiraxmaan ee Muqdisho. [Sawirka: Twitter]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa xalay oo Isniin ahayd Muqdisho ku xiray Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur oo ahaa musharax madaxweyne, sida ay sheegeen masuuliyiintu.

Qoraal uu boggiisa Facebook soo dhigay, Xildhibaan Axmed Fiqi ayuu ku sheegay in ugu yaraan afar katirsanaa ilaalada Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur ay ku geeriyoodeen intii uu socday howlgalka.

Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur ayaa sidoo kale ku dhaawacmay howlgalka, Fiqi ayaa intaas ku daray.

Cabdiraxmaan Cabi Shakuur, ayaa kamid ah siyaasiyiinta Soomaalida ee caanka ah, waa hoggaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir, waxaa uu soo noqday Wasiirka Qorsheynta ee xukuumaddii Madaxweyne Shariif Shiikh Axmed.

Hawlgalku wuxuu dhacay saacado kaddib markii xeer-ilaaliyaha guud ee Soomaaliya Axmed Cali Daahir uu amar ku siiyay haayadaha dowladda in ay la dagaallamaan qaar ka mid ah baarlamaanka, oo uu ku eedeeyay khiyaano qaran.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*