Waa markii kowaad oo shirka golaha wasiiradda Dowladda Federaalka Soomaaliya lagu qabto Garoowe.
Raysulwasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa shir guddoominaya kulanka.
Madaxweynaha Puntland iyo golaha wasiiraddiisa ayaa sidoo kale ka qeybgalay shirka.
War-saxaafadeed ku saabsan arrimaha looga hadlay kulanka ayaa la filayaa in la faafiyo marka shirku uu soo gabagaboobo.