Shirka asbuuclaha ee golaha wasiiradda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo lagu qabtay magaalada Garoowe

Shirka ayaa lagu qabtay qolka shirarka ee Wasaaradda Maaliyada Puntland ee Garoowe. [Sawirka]
Garoowe-(Puntland Mirror) Shirka asbuuclaha ee golaha wasiiradda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah lagu qabtay magaalada Garoowe ee caasimada Puntland.

Waa markii kowaad oo shirka golaha wasiiradda Dowladda Federaalka Soomaaliya lagu qabto Garoowe.

Raysulwasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa shir guddoominaya kulanka.

Madaxweynaha Puntland iyo golaha wasiiraddiisa ayaa sidoo kale ka qeybgalay shirka.

War-saxaafadeed ku saabsan arrimaha looga hadlay kulanka ayaa la filayaa in la faafiyo marka shirku uu soo gabagaboobo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*