Sida ay masuuliyiintu sheegeen, ujeedka shirka ayaa ah sidii la isku dhaafsan lahaa aqoon iyo khibrad.
Wasiiradda arrimaha gudaha ee Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug, Hir-Shabeelle iyo Puntland oo shirka martigelinaysa ayaa ka qeybgalaya shirka, sida ay sheegeen ilo-wareedyadu.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Faarax Siciid Juxa oo la filayay in uu shirka kasoo qeybgalo ayaan imaan, sababta ka dambaysa maqnaanshihiisa lama oga.