Hoggaamiyaasha Dowladdaha Maamul Goboleedyada ayaa yimid Muqdisho si ay uga qeybgalaan shirka.
Shirka oo socon doona labo beri, ayaa hoggaamiyaasha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladdaha Maamul Goboleedyada kaga wada-xaajoon doonaan arrimo kala duwan oo ay kamidyihiin ammaanka iyo siyaasadda dalka, sida ay ilo-wareedku ku warameen.