Garaad Abshir Saalax Maxamed oo dalka Sweden ku geeriyooday

Garaad Abshir Saalax Maxamed.

 

Garoowe-(Puntland Mirror) Garaad Abshir Saalax Maxamed oo kamid ahaa isimada Puntland ee gobolka Sool kasoo jeeda ayaa ku geeriyooday dalka Sweden, sida ay warsidaha Puntland Mirror u xaqiijiyeen dad ay isku dhowyihiin.

Garaadka ayaa beryahan ku xanuunsanaa isbitaal kuyaala dalka Sweden, sida ay Puntland Mirror u sheegeen dad eheladiisa ah, Garaadka ayaa u geeriyooday xanuun ka hayay dhanka kalyaha oo qaliin dhawaan looga sameeyay.

Madaxweynaha dowlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa uga tacsiyeeyay guud ahaan shacabka Puntland geerida kutimid Garaad Abshir Saalax Maxamed, sida uu ku sheegay bayaan kasoo baxay xafiiska madaxtooyada.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*