“Maamulka Shirkadda NUWACO waxay cambaareynaysaafalka wuxuushnimada oo ay maanta ku qafaasheen koox hubaysan Maxamed Siciid Taako oo ka tirsan howl-wadeenada shirkadda xilli uu ku sugnaa goobtiisa shaqo,isagoo u shaqeynaya bulshada ku nool magaalada Badhan oo ay NUWACO ku guulaysatey inay u sal dhigto biyogalintii ugu horeysay.” Ayaa NUWACO ku tiri bayaanka.
Shirkadu ma aysan sheegin sababta ka dambeysa afduubashada, balse ilo-wareedyo madaxbanaan ayaa warsidaha Puntland Mirror u sheegay in afduubashadu ay xiriir la leedahay aargoosi qabiil.
NUWACO oo ah shirkad biyood fadhigeedu yahay Garoowe, ayaa la asaasay sanadkii 2006.