
Muqdisho-(Puntland Mirror) Maleeshiyada ka dagaalanta Soomaaliya ee al-Shabaab ayaa sheegtay in ay ku qabteen gobolka Shabeellaha hoose diyaarad yar oo drone ah.
Warbaahinta taageerta maleeshiyada al-Shabaab ayaa sii daysay sawirada diyaarada drone-ka ah.

Ma cadda waxa soo riday diyaarada mana jirto dal sheegtay inuu leeyahay, laakiin militariga Maraykanka ayaa si joogto ah hawada Soomaaliya uga sameeya duulimaadyo dabogal ah.

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (Drone) ee Maraykanka ayaa weerar ay Koonfurta Soomaaliya ka fuliyeen bishii September sanadkii 2014-ka, waxay ku dileen hoggaamiyihii xagjirka ahaa ee kooxda al-Shabaab, Axmed Cabdi Godane oo maleeshiyadiisu ku magacaabi jireen (Abu- subayr).