Golaha Wasiiradda Soomaaliya oo ansixiyay miisaaniyad kumeelgaar ah saddex bilood ah

Golaha Wasiiradda Dowladda Federaalka Soomaaliya. [Isha Sawirka: Xafiiska Raysulwasaaraha]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Golaha Wasiiradda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Axad ah ansixiyay miisaaniyad kumeelgaar ah, taasoo loo qoondeeyay dowladda laga bilaabo April ilaa June 2022, sida uu sheegay Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Bayle.

Wasiirka ayaa sheegay in saddexda bilood ee sanadkan 2022 ugu horeeya ay isticmaaleen miisaaniyaddii sanadkii 2021 taasoo uu ogolaanayo sharcigu.

Bayle ayaa intaas ku daray in qorshuhu uu ahaa in baarlamaanka cusub uu ansixiyo miisaaniyadda 2022 oo dhammeystiran balse dib u dhaca doorashada ku yimid ay keentay miisaaniyadan kumeelgaarka ah.

Bishii Noverber 2021, ayaa golaha wasiiradda Soomaaliya ay ansixiyeen miisaaniyadda 2022, oo lagu qiyaasay $699.1 milyan.

Khilaaf u dhaxeeya masuuliyiinta sare ee dowladda ayaa dib u riday doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*