Cusmaan Shiikh Xuseen ayaa loo magacaabay taliyaha cusub ee haayada sirdoonka NISA, halka Janaraal Bashiir Cabdi Maxamed loo magacaabay taliyaha ciidanka booliiska.
Dabayaaqadii bishii Oktoobar ee sanadkii 2017, golaha wasiiradda ayaa shaqada ka ceyrshay taliyihii booliiska Cabdixakiim Daahir Saacid iyo taliyihii NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbalooshe kadib qaraxii gaariga ee ka dhacay Muqdisho oo ay ku dhinteen in ka badan 500 qof.