RW Soomaaliya Xamse Cabdi Bare oo booqasho taarikhi ah ku tagay Laascaano

Puntland Mirror
0 Min Read
Raysulwasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Bare. [Isha Sawirka: Xafiiska Madaxtooyadda SSC-Khaatumo]

Laascaano-(Puntland Mirror) Raysulwasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Bare ayaa maanta oo Sabti ah safar taariikhi ah ku tagay magaalada Laascaano ee xarunta maamulka SSC-Khaatumo.

Safarkan ayaa ahaa kii ugu horeeyay muddoo tobanaan sanno ah uu masuul sare oo Soomaaliyeed ku tago halkaas. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Bare ayaa ahaa masuulkii ugu dambeeyay oo magaalada Laascaano ee gobolka Sool booqda sanadkii 1986-dii.

Raysulwasaare Xamse ayaa sidoo kale sameeyay taariikh, isaga oo noqday raysulwasaarihii u horeeyay ee Soomaaliya abid taga Laascaano.

Madaxweynaha SSC-Khaatumo Cabdulaaqdir Axmed Firdhiye ayaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay raysulwasaaraha oo ay la socdeen xubno katirsan golaha wasiiradda sida wasiirka arrimaha dibada iyo wasiirka arrimaha gudaha, iyo taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya.

Boqolaal shacab ah oo xiran dhar muujinaya calanka Soomaaliya ee midabka buluuga ah iyo kan maamulka SSC-Khaatumo ayaa safaf u galay si ay u soo dhaweeyaan raysulwasaaraha.

Xamse oo ka hadlay garoonka diyaaradaha ayaa sheegay in safarkiisa uu ujeedkiisu yahay midnimo Soomaaliyeed.

Dadka deegaanka SSC-Khaatumo ay sanad kahor kacdoon ay kaga soo horjeedaan maamukal gooni goosadka ee Somaliland kaasoo dhiig badan ku daatay socdayna sagaal bilood waxay kaga xoreeyeen dhulka SSC ciidankii Somaliland oo muddo 15-sanno haystay.

SSC-Khaatumo ayaan weli dowlad goboleed loo aqoonsan, iyadoo dadka deegaanku ay doonayaan in ay helaan maamul kamid ah dowlad goboleedyada Soomaaliya.

Share This Article
Leave a Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *