Agaasimaha haayada HADMA Cabdulaahi Axmed Cayrow ayaa warbaahinta maxaliga ah u sheegay in roobabka mahiigaan ah ay waxyeeli karaan nafta xoolaha haddii aan loo xirin wax ay ka jirsadaan roobka.
“Waxaynu joognaa bilowgii roobka Guga. Waxaan filaynaa in gobolada Puntland ay helaan roobab fiican maalmaha soo socda,” ayuu yiri agaasimuhu.
Waxa uu intaas ku daray: “Waxaan u sheegayaa dadka in ay roobka ka jiriyaan xoolaha sababtoo ah xooluhu waa kuwo tabar daran oo ay abaari saameysay.”
Cayrow ayaa sidoo kale uga digay dadka xoolo dhaqatada ah in ay joojiyaan guurista inta lagu guda jiro maalmaha roobabku da’ayaan si looga gaashaanto waxyeelo macquul ah.
Xilli roobaadka Guga ayaa la filayaa in uu bilaabno inta lagu guda jiro bilaha April iyo May kadib abaar daran oo ku dhufatay Puntland.