Puntland oo uga digtay dowladda federaalka Soomaaliya in ay wax farogelin ah ku samayso doorashooyinka Jubbaland iyo Galmudug

Sumada Puntland.

Garoowe-(Puntland Mirror) Puntland ayaa uga digtay dowladda federaalka Soomaaliya in ay wax farogelin ah ku samayso doorashooyinka Jubbaland iyo Galmudug.

Bayaan maanta oo Axad ah ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha dowladda Puntland ayaa lagu sheegay in wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda federaalka Soomaaliya ay ixtiraanto doorashooyinka maamul goboleedyada Jubbaland iyo Galmudug.

“Dalka Soomaaliya waxuu ka soo kabanayaa khilaaf siyaasadeed iyo colaado ragaadiyay dhismaha hanaanka dowladnimo, sidaas darteed dowladda Puntland waxay u soo jeedinaysaa dowladda federaalka ah iyo dhammaan dowladaha xubnaha ka ahba in la dhawro laguna dhaqmo dastuurka dalka ee lagu heshiiyay, lagana fogaado wixii keeni kara colaad iyo kala fogaansho siyaasadeed.” Ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka.

Maamulada Jubbaland iyo Galmudug ayaa la filayaa in doorashooyinkoodu dhacaan bilaha soo socda walow qaar kamid ah uu khilaaf xoogan ka jiro oo uu ugu weynyahay kan Galmudug.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*